Anoo hodaneey
Ku heli kara
Habbooneey
Anoo ku hanan karar
Hinduu ma anigaa
U hawoon kara

Gayaan hidda raacay
Hooyaday
Hibaaq anigoo
Ku hiran kara
Hantiyi kara
Hoodo iyo farax
Hele nin sarqaansan
Kama helo
Hilwood kumaa doorsan karo
Hiboo

Qalbiga halacsadaa hirbeenaad
Wuxuu u helaa hungaad dhaxal
Hilbaha i xiga hub weeye
Haybteeda masiisto hayb kale

Hankeey koriyaan hablahayagu
Harweeye qaboow hablahayagu
Hirdoogliyo waa harraad tiraa
Waxay huwan yihiin hiddiyo dhaqan
Hoodaaluhu waa ninkii helaaa

Dhabtii hodan baa hillow lehe
Intaan halaqyada la hoy galo
Hurdaba ma anigaa kulada halis

Haweeyaanoo hirwiyo saar
La jabin kara heella dhaanta leh
Hiphab uma qaado heelaree
Anigu kuma haysto haafxiran
Habeena dhaxa aanna soo hooyan

Haldhaadaleh muuqaa heegada
Intaba ninkii haystaa waa hodan
Tabtii halganiyo hinddiyo ubax
Ninkii huwadaaye guul hanay

Hankeey koriyaan hablahayagu
Harweeye qaboow hablahayagu
Hirdoogliyo waa harraad tiraa
Waxay huwan yihiin hiddiyo dhaqan
Hoodaaluhu waa ninkii helaaa

Exit mobile version