Hufnaantiyo xishoodkaa
Haweenkaba ku dhaaftee
hogoshiyo daruurtii
ka hilaacdeey mudugeey
Hablaha butlaanee
Hidihiyo aqoontaba
hanti looga yeelaa
Adna ugu horeysaa
Ana himiladaydiyo
Hiigsigaygii noloshaay
Haboow kuma imaanine
Walaal hanad ku jeceloo
Hanaankaagu deeqoo
Halyeey kula dhashaan ahay
Hadafkaygu waa guur
Hambalyada arooskana
hareeraha garoowiyo
Buuhoodle iyo hawd
Iyo laaska hodanka
Hoga ceerigaabiyo
Badhan iyo hadaaftimo
Hilinkaa qardhoodiyo
Halkii boqorku dagi jiray
Hurdiya iyo baargaal
Bada loo helawdiyo
Hirka garacad iyo eyl
Shaxdoo roob ku hooriyo
Heema iyo goldogobaan
Hadba meel ku gaynoo
Heelo kaaga tumayaa
Halkii aan ku dhalaniyo
Gaalkacyoo la hurinbaa
Hoyga kaaga dhigayaa
Hubsiimadu waa sade
Sidaan huuno kuu rabo
Adna maygu hagarbixi

Exit mobile version