arkaa yartu waa ayaan dhalad
indhayaa dhibtay waa iftiin baxay
fiirshay qoftu waa ehlu sharafo
allaylahe waa midan rabaye

sidii ubaxay udgoon tahaye
sidii laydhay arwaaxtahayo
aniga huba waa istaahilay

hoyadii dhashaybaa amaan mudan
aabahii koriyaa u hakar baxay
asluub dhaqanlay kusoo ababto
ikraan runtii waaba oon tira ee

abaal qof galaybay u tahay kow
ishii qabatay u tahay doog
uurki tabaybay u tahay dawo
ikraan nin helaa ayaan badan

indhul aaran bay kuso ababto
nugaal oo idilbay astaan u tahoo
ilwaad quruxla illah u dhasho
indhaha kulay afaad tahay

hoyadii dhashaybaa amaan mudan
aabahii koriyaa u hakar baxay
asluub dhaqanlay kusoo ababto
ikraan runtii waaba oon tira ee

Exit mobile version