ma dhabaa jacayloo intuu dheefta kaa jaro
ma xanuun ku dhibayaa
dhaqtaradu masheegaan ruuxa uu ku dhaca oo
dawo la isku dhiibiyo dhayitaan maleeyahay
boodhari inuu dilay batalaale uu dhigay
dhakray waa la sheegee dadku ma u dhinta wali
ma dhabaa sidii cudur intuu dhiiga kaa jaqo
inuu kuu dhameeyoo
dhag ka maalka mooyee ruux dhaaya saariyo
lama arag qof dheehdee dhankeebuu ku noolyahay

Exit mobile version