Ma igtahay jamalkaaga
Iyo jaaha quruxdaada
Inaan soo jaleecayoo
Oo ha jirabin qof kuu jeelan
Ha jikaarin weedhiisa
Jabaqdaada yuu waayin
Jamashadu dhib weeyaane
Naftan kuu jiboonaysa
Jacaylkiisa haku diidin

Qofka caashaq janjaamay
Oo dartaa jodiin daayay
Haku xidhin jiqdaa oodan
Oo haka raacin jeeb buuxa
Jismigiisa haka roorin
Ha u jeedin dhabarkaaga
Jamashadu dhib weeyaane
Naftan kuu jiboonaysa
Jacaylkiisa haku diidin

Exit mobile version