inanyahay jamaalkiyo jalaqsani u dhalataay
inanyohow jidh iyo xoog joog uu u dheeryahay
jaleecadan ku eegaba indhuhu kaama jeestan
waanan kuu jirabanahay
idhiidhico kalgacalbaa jidhka la idhex rooroo
i jibaaxay awgaaye
inaan wada jirnaayoo wada joogno abidbaan
inanyahay jeclaystee jaar ma wada ahaanaa
jibadka iga baxayaa jacayl dhabaha weeyoo
jib aan adiga kuu qabee jawaabtaydu waa haa
jawharad la moodyeey jeegaan sideedaay
jajabnaanta caashaqa iyo jaaha nuurka le
iisoo jiidataayoo jeex iga midaad tehee
nacab yuu ina kala jarin
ayaan kugu jeclaadee axdigoo an jabiyiyo
jikaar ha iga filan ani

Exit mobile version