VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kaamilo - Lyrics

Kaamilooy jacaylkiyo Ha u malayn kalgacalkani Inaad kali ku taagtee Anba way i karkariyoo Way i hayaa kulaykee Maalintaynu kulanee Kashkii aad i saartiyo Karaamadaad i siisiyo Koolkoolintaadii Laabtayda kama gu,in Kalifiga ma daayoo Kurbadiisu igu wayn Kolkii aan ladnaadaba Way igu laba kacleeyaa Adigaa kasbadayoo Kalsooni igu beeroo Kaalintaan u baahnaa Wiil i kaafiyaa tahee Kufkaagiyo hablaha kale Kugu doorsan maayee Kaalayoo iskeen siiyee Ha kobcoo jacaylkuye Kii kabay naftaydoow Kawnkan aan ku noolnahay Nacab yuu nakala dilin Ha kobcoo jacaylkuye Caashaqu kor iyo hoos Kaar igu abuuryoo Kuurkuursi moyee Socodkaba ma karayoo Kadeedkiisu igu badan Kaan ka doortay qayrkii Kala baxay da,diisii Igu kordhiyay caashaqu Kurbo aan i hayniyo Igu keenyay xanuun badan Kadisbuu halbawlaha Kaabiga u fadhiistoo Kaftan hayga moodine Kax baan ahay daraadaa Amba kaama maarmoo Kunjeer baan habeenkii Ka kacaa hurdadoo Kaa dayaa sariirtee Kufkaagiyo hablaha kale Kugu doorsan maayee Kaalayoo iskeen sii Ha kobco jacaylkuye Kii kabay naftaydoow Kawnkan aan ku noolnahay Nacab yuu nakala dilin Ha kobcoo ha koro jacaylkuye
Queue is empty
-- / --