VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Kaamilo mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdiaziz Ali Iskalaji
Kaamilo

Kaamilooy jacaylkiyo
Ha u malayn kalgacalkani
Inaad kali ku taagtee
Anba way i karkariyoo
Way i hayaa kulaykee

Maalintaynu kulanee
Kashkii aad i saartiyo
Karaamadaad i siisiyo
Koolkoolintaadii
Laabtayda kama gu,in

Kalifiga ma daayoo
Kurbadiisu igu wayn
Kolkii aan ladnaadaba
Way igu laba kacleeyaa

Adigaa kasbadayoo
Kalsooni igu beeroo
Kaalintaan u baahnaa
Wiil i kaafiyaa tahee

Kufkaagiyo hablaha kale
Kugu doorsan maayee
Kaalayoo iskeen siiyee
Ha kobcoo jacaylkuye

Kii kabay naftaydoow
Kawnkan aan ku noolnahay
Nacab yuu nakala dilin
Ha kobcoo jacaylkuye

Caashaqu kor iyo hoos
Kaar igu abuuryoo
Kuurkuursi moyee
Socodkaba ma karayoo
Kadeedkiisu igu badan

Kaan ka doortay qayrkii
Kala baxay da,diisii
Igu kordhiyay caashaqu
Kurbo aan i hayniyo
Igu keenyay xanuun badan

Kadisbuu halbawlaha
Kaabiga u fadhiistoo
Kaftan hayga moodine
Kax baan ahay daraadaa

Amba kaama maarmoo
Kunjeer baan habeenkii
Ka kacaa hurdadoo
Kaa dayaa sariirtee

Kufkaagiyo hablaha kale
Kugu doorsan maayee
Kaalayoo iskeen sii
Ha kobco jacaylkuye

Kii kabay naftaydoow
Kawnkan aan ku noolnahay
Nacab yuu nakala dilin
Ha kobcoo ha koro jacaylkuye

codkii Abdiaziz Ali Iskalaji