dhaxaan gaadhkiyo xanuunka
jacaylkiyo kali ahaanta
is kaashanaynayoo samraynay
kalsoonina hiil bidaynay

kadeedkii wuu dhamadaay
kolkeeniba la gaadhay
koolkii farxada bilaabmay
nuurba mugdigii kaxeeyay

riyadii waay kaamilowday
kalaamkii wuu dhaboobay
kaliyo laab farax aduunka
aday dadku kuu kaceene
kun jeer qosol maalintaada

dhaaya kulaankaga doona
nafbaa kaftaankaaga u xiista
kashkiyo maankad ku taalay
ayaa qira kaalintaada

inaad tahay kaaha nuura
kunbaan ifka laygu kaabayn
kasaay garashadu hagayso
dhismaha sow kuguma dooran

riyadii waay kaamilowday
kalaamkii wuu dhaboobay
kaliyo laab farax aduunka
aday dadku kuu kaceene
kun jeer qosol maalintaada

Exit mobile version