dadkaa dhawr wajiiliyo waxa jira dhadhamadaa
dharaaraha ladnaanshaha dhac dhacaaga urursada
waxse kala dhamaataan marka jeebku dhiib gabo
shilin waxa ku dhaafsada ruux u dhalasha kuu xiga
oo dhuuni kaa jecel
ruux kuu dhawaabaa mar dhibsada libtaadoo
dhabar jabinta kugu dila cadaw dhimashadii rabay
ruuxaad ka dhicisaa isaguna ku dhaawaca
dharaaruhu u xumaa ruux dhulka aad ka qaado
waxa jira dhib kula jecel dhaankaaga ruuxaad heeryayso
dhinac tidhi ayaan dhuunta kuu qoyn
dhabta kaad ku qabataa adigoo dhudhumo jaban
cidla kaaga dhuuntoo dhurwaa kaaga taga bahal
ana dhabana hayskii dhacdadiyo xasuustii ma ilaawin
dheeshaad igu kala dhantaashoo waxaan aan dhursugaya
nabsi kuu dhitaysnaa markaad dhaxasho aayaha
