VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Labo daran - Lyrics

Adoon iga maqnaaneyn Ana aanan kaa maarmin Iyo maaha waa caynkan Markii u dhabtiyo xaalku Noqday uun is mari waagan 2x Murankiyo is jiidjiidka Mirir mirir dagaalkeena Maalin qudha heshiin waaga Maara waa xiriirkeena Meelnaba sal dhigi waayay Madaxii ka weynaaday 2x Laba daran mid doon doono Oo maanta dabadeeto Aan meel u wada jeedno Qalbigana mataanayno Ama daayay magacaaga Adna mayr xasuustayda 2x In kastood mar hore qaaday Maankiyo quluubtayda In kastoon malaynaayay Mar uun inaan midoobayno Murugta iyo ciilkeenu Maalin uun dhamaanaayo 2x Anigoon makhluuqaadka Ruux kula masaalaynin Markii uu ka rayn waayay Macne beelka hadalkeenu Miyaan dani I oraynin Adoo jecel hadana maaran 2x Laba daran mid doon doono Oo maanta dabadeeto Aan meel u wada jeedno Qalbigana mataanayno Ama daayay magacaaga Adna mayr xasuustayda 2x
Queue is empty
-- / --