VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Labo daran mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdiaziz Ali Iskalaji
Labo daran

Adoon iga maqnaaneyn
Ana aanan kaa maarmin
Iyo maaha waa caynkan
Markii u dhabtiyo xaalku
Noqday uun is mari waagan
2x
Murankiyo is jiidjiidka
Mirir mirir dagaalkeena
Maalin qudha heshiin waaga
Maara waa xiriirkeena
Meelnaba sal dhigi waayay
Madaxii ka weynaaday
2x
Laba daran mid doon doono
Oo maanta dabadeeto
Aan meel u wada jeedno
Qalbigana mataanayno
Ama daayay magacaaga
Adna mayr xasuustayda
2x
In kastood mar hore qaaday
Maankiyo quluubtayda
In kastoon malaynaayay
Mar uun inaan midoobayno
Murugta iyo ciilkeenu
Maalin uun dhamaanaayo
2x
Anigoon makhluuqaadka
Ruux kula masaalaynin
Markii uu ka rayn waayay
Macne beelka hadalkeenu
Miyaan dani I oraynin
Adoo jecel hadana maaran
2x
Laba daran mid doon doono
Oo maanta dabadeeto
Aan meel u wada jeedno
Qalbigana mataanayno
Ama daayay magacaaga
Adna mayr xasuustayda
2x

codkii Abdiaziz Ali Iskalaji