inanyahay dareenkiyo damac iga tanwayniyo
dookhaa ku raacoo naftu way ku doontaa
kalgacayl da waynbaa igu kaa dul qaadee
dagi maayo jeeraan doogii dhulkeeniyo
dugsi kaaga dhigo xamar
waa nabad dalkeenii daafaha aduunkiyo
muqdishaan damaashaad u dalxiis tagayna
dawooy xeebta liidaay ku dabaalanaysaa
dayniile iyo hodan warta nabada waad dagi
qalbi daacad kuu aan diyaar kaaga dhigayoo
wada jir dadeediyo docdaa wada jireediyo
taxda daareheedaan durmaan kaaga tumayaa

Exit mobile version