Haddaan muuqa sagalkiyo
Maanka ubaxa uduga leh
Iyo midabka daa uus
Saddexadaba marwada helay

Macna quruxi leediyo
Miisaanka sharafeed
Adigaa mulkiyayoo
Maskax suubaniyo
Maan garasha dheer badi

Sida ceel mahwiya beey
Qalbigayga muxibadu
Uga maaxataayoo
Mataanteeydii baa tahee

Adigaa mudnaaniyo
Hugoobay sidii mayay
Hilowgaaga meeldheer
Naftu kaaga muhataa

Magli kuma huraayee
Meelkastaba ha joogtee
Adduunyadana muggeedana
Midaan gacalo kula simo
Mushtaaqeey kumaan arag

Sida ceel mahwiya beey
Qalbigayga muxibadu
Uga maaxataayoo
Mataanteeydii baa tahee

Exit mobile version