adigaa hir doogliyoo
hoobaan ka muuq dheer
hogol lagu qaboobiyoo
hibo lagu nastaad tahee
inta gabar hanaaniyoo
haybad lagu majiirtee
qurux lagu hagoogaay
naalooy hooda dheetahee
adigaan had iyo jeer
sida hogol caleen dheer
kuugu soo hirtaayoo
haqab tiraha naftaydee

adigaa han iyo dookh
hoogaansho noolaa
adigaa hidiyo sharaaf
dhaqan kugu hubaayo
cidi kula hal maalayn
adigaa hab nololeed
haladeey ku dhaqi kara
adigaa haween ugub
naalooy uhoreeya idilkod
adigaan had iyo jeer
sida hogol caleen wayn
kuugu soo hirtaayoo
haqab tiraha naftaydee

Exit mobile version