Sidii ubax jaadba jaada
Hadaan kuu jiidanaayo
Markaad aniga ila joogto
Cishqaa igu laba jibaarma

Jidkan siduu yahay bogaagu
Hadaan laabtaada jiifo
Jago kaa siiyay maanka
Janada qalbigan ku seexshay

Intii neceb wada jirkeena
Ama se jecel kala jabkeena
Intaad dhagta jalaq u siiso
Nacabka ha u jabin jacaylka

Jaleecada daymadayda
Hadaad naxariis jaraysid
Naftaydaa jamashadaada
Jidhiidhico xaad istaagta

Jidiinka hadaad ka soontay
Dartaa anba jiif u seegay
Hadaan ahay jeex naftaada
Jidhkaygaad tahay badh

Exit mobile version