Raggu Dumarka Wuxuu Raadiyoo..
Raadco Ugalaaba
Raaliya Wuxuu Doonoo..
Oo Reemo Waligiisba
Nin Waliba Marbuu..

Reer Dhistaa
Raasamaal Guriyee..
Sida Rucub Midho Muudo
Oo Ka Baxay Ruumankii Bariyee..
Ama Rays Qaboow
oo ku da’ay Raaso Iyo Sharbii..

Raana Ninkii Helay
Ayaa Raaxa Galay Reere..
Reemaha Baxaayiyo
Rigta Sacabka Loo Raacshay..
Waa Raadkii Caashaqa
Cabdi Raana Qurux Caawa..

Anaguna Ducaan Raacine
Waayo Isku Raaga..
Runta Nolosha Waxa Lagu wado
Raaxo La Sugaaba..
Raaskiini Caawa Dhisme
Farxad Ku Ree Reeya..

Exit mobile version