caashaqii ina wada galee
adigu aad ka gaabsataa
kaligay i guhaadiyoo
goohiyo reenkiisaaba
naftayda gabyaa ka dhigay
niyadan geeraartay iyo
qalbigan heesaha godlada
gujada xusuustaadiyo
markuu xiisuhu gilgilay
ayay eryada kalgacal
laabtayda kasoo go'een
hadana geenyooy marnaba
anigoon kaa gu'i karayn
hadana kaama gaabsan karo
halkaana uma guurayoo
adigaa geediga raraye
gogolbaan kuu dhigan lahaa
hadii dumar lala gartamo
gurigii farxadaan dhisaaye
qofkaan gooriyo ayaan
caashaqan i galay u qabo
hadmuu ii garaabiyoo
tolow garab aan ka heli
go'aan kama qaadan karee
ilayn caashaqu ma gudho
ma gam'o hurdadana qofkii
wehelkiisu guhaadinaayee
gooray noqotaba rajooy
maruunbaan ku gaadhi doonaa