sagal roob o
subax da'ay
sayma horey
oo sal dhigay
saxa udug
siimay daadka
oo sameeyay
ubax maanka dhan sifeeya
suuradeedu ila mida saxantayda

sinjigooga dhal suldaana
siman weeye
ma saluugo
saacad qudha
isma segon
saqda dhexeban
ku seexda sawirkeeda

samanteedu qalbigayga
kama suusho
saafi weeye
gaarinimo loo saxeeyay
sadri deeqa sumcadeedu
waa sadkaygaa

yaa sareeya la dalxiisa
soon hargeysa
sanaag bari yaa ar geeya
soona mudug
yaa goldogob saaka taga
soo salaama
sidig joogta bari
yaa ku soora

bila saabsan
sibrar caanuhu
yaa ku siiya
subax xamar
yaa ku dhaha
xeebta soo mar
saaxil gedo gedo
yaa tawfiiq saaka geeya

sumal hooyo yaa uqala
sixin siiya
sahan danbana yaa
garoowe ku sugnaada
somaali waa dhulkeeda
yaa sareeya
guri sare uga dhisa
sawir dooglo

Exit mobile version