show jaceylba kuma helin
shidadiisa kuma ridan
hog ku shido kuma guban
shaamareerna kuma badin'
shir ka caashaq leeyahay
shaykaad ku maqashee
wali shaba kumaad galin
sheedo ruux ka bidayoo
shaki qaado maad noqon
shimbiryahow kumay odhan
ilmo shagax kasooo tidhi
indhahaagu may shubin

waxaan ahay nin soo shubay
oo dumaarhso soo maray
oo yaqaan shaxdoodiyo
shuqulada haween falo
waxba haysa soo shidin
been ha isu sheegine
shabad yahay cagaha dhigo
shil jaceyl adoon arag
oon shiish kuu dhicin
nin hortaa shakaal baray
oo shalow kasoo dhacay
haku xiran xaroodkoo
shil jaceyl adoon arag
oon shiish kuu dhicin
nin hortaa shakaal baray
oo shalow kasoo dhacay
haku xiran xaroodkoo

Exit mobile version