Shaw jacaylba kuma helin
Shidadiisu kuma ridin
Dabkuu shido kumaad guban
Shaamareerna kuma badin
Sharka caashaq leeyahay
Sheekaad ku maqashee
Wali shabag umaad galin
Sheeda ruux ka didayoo
Shaki qaaday maad noqon
Shib dibnuhu kumay odhan
Ilmo shagax kasoo tidhi
Indhahaagu may shubin

Waxaan ahay nin soo shubay
Oo dumar shan soo maray
Oo yaqaan shaxdoodiyo
Shuqulada haween falo
Waxba haysasoo shidin
Been haysu sheegine
Shabad yahay cagaha dhigo
Shil jacayl adoon arag
Oo shiishku kugu dhicin
Nin hortaa shakaal galay
Oo shalaw kasoo dhacay
Haku xidhin shuruud guur

Exit mobile version