hablaheena tayadoodu tirmi mayso
tub walbaan quruxdooda ka til maamay
alaa kama tagine dhaqankoda way tix raaceen
timo udgoon tix galinteedu taash weeye
taladeeda san in la qaato tusmo
tabashada qalbigayga ku tarmaysa
adaa toobay laabtoo ku talaalay
taban taabi naftan awgaa u tasawday
gabdhaheena taariikhdoodu tagi mayso
tidcanoo quruxdoodu tayaysan
kama tiree qalbigayga waan ku tiirshay
tiima dheerey taaba qaadyay kal gacalkaagu
taaba gal san in la toydo tusan weeye

Exit mobile version