goorman gabadhiyo
timo haldhaa
taajir qurux siiyay
oo tacliinta maadiga loo
hoos u garad diinta
oo tafsiirta cilmiyada

oo talqiinta erayada kalgacal
tuhun ku wacee
oo tilmaanta dayax
tobon afraad
jaale midab luhu
oo tanaabo ula hadal
dhaqanka aan tuurin

waxa tooshku uga daaran yahay
toosan waa muduge
qofta boqoradiyo baarqabto
gacanba kale haysan
tartankii kaas inuu kas hadhay
tabiya gaadhsiiya

oo tolay taas ninkii hela
aanan taabin taaqo
taban taabsho waxa laga hela
meel aan tirine
sool iyo ninkee daga sanaag
buriyo taaloode
oo tarantiyo nugaal
ama togdheer aada
oo taarikada baladweyne iyo
jiilka xamar jooga
tubo haash ninkii aan ka helin
taash u galiyaaye

waxa tooshku uga daaran yahay
toosan waa muduge
qofta boqoradiyo baarqabto
gacanba kale haysan
tartankii kaas inuu kas hadhay
tabiya gaadhsiiya

Exit mobile version