Anoo taws jacayl qaba
Taageero adigaa
I taray wanaag badan
Abidkaana iga tegin
Taban taabadaadi
Aan kugu tixgaliyee
Taan hablaha ka doortaay
Caashaqii tisqaadoo
Caawa wuxuu tagay
Halkaan tiigsanayne
Ka ilaali tacadiga

Anoo tini iyo cidhib
Jacayl uu i taabtoo
Dhuuxiyo lafaha dagay
Ku talaalmay gabigay
Tabantaabadaadii
Aan kugu tixgaliyee
Taan hablaha ka doortaay
Caashaqii tisqaadyoo
Caawa wuxuu tagay
Halkaan tiigsanaynee
Ka ilaali tacadiga

Exit mobile version