waxbaa jira aan la sheegin warbaa jira aan la baahin
wadiiqada aad ku fooftay mid waynbay kuu wadaaye
wadaa jirta aan laqaadin
wanaaga hadii la daadsho xumaan weel lagama buuxsho
wacnaantu haday cidlawdo wadeecaa kula dagaysa
wadkaaga qofkii u xiisa u sii wehel caanahaaga
jacaylku haduu wareero walaal nimadaa ka fiican
wadayga qudhaadu doonto samaanta kolkad ka waydo
naftaada adoon u waalin hankaaga dartii u wiiqin
i waydaaraaba dhaanta
wareegtada caashaqaaga waabayo haday dhalayso
dareen wadnaha abaaray haduu wehelkii ka quusto
walaacbuu keenayaaye adoon qubin waanadayda

Exit mobile version