Saluuglaay suumaneeya
Sifada wanaagsaneey
Sibiqdii kulankeena iyo
Salaantii la iga raac

Sarbeebtiyo hadaladii
Saraan kaaga baxay
Aniga anaiga sobobtayda noqay

Suntii caashaqeen ka baday
Ma seexan sidaad ogayd
Adoo adoo adoon soo socan
Adigoon soo socon ku sugaaye

Su,aashuna sidii caad
Aday kugu saabsantahee
Ka saar garkalseerka oo
Warkaagu warkaagoo
Sugan isiii

Sidii saxan saxo udgoon
Sagaalku ii saymo roon
Sagaashan wacnayd
I saaqdayee soo dhawoow

Adaan sadrigayga qalbiga
Sariir kuu dhigay kuleeg
Ku saayad ku saayad
Kuna suntadayee

Jacaylkii igu siyaad
Simbiidhadu waa fogtahayee
Adoo adoo adoon soo socan
Adigoon soo socon ku sugaaye

Su,aashuna sidii caad
Aday kugu saabsantahee
Ka saar garkalseerka oo
Warkaagu warkaagoo
Sugan isiii

Exit mobile version