marwadaan ka xushaay haweenka
marwadaan ku xardhaay quluubta
marwada dajisaay xiskayga
marwada ii xalisa dhibkaygan

midaan ka xigtay wanaaga
midii ku kortaay xishoodka
midaan ka helaay xurmaynta
midii i tustaay xaqdhawrka

xilaha janadaay xabiibo xabiibo
xiisaha beeraay xabiibo xabiibo
xalkii noloshaay xabiibo xabiibo
ILAAH kaa dhawr xumaato xabiibo

sidii xuuralcayn hanaanka
sidii xalay dhalay dulqaadka
xareeda sideed qabawga
adaan uba dhalan xanaaqa

dareenku xad dhaaf dhankayga
xubigu wada saaq jidhkayga
balanta xoojiyaay ma xuura
xusuus igu badan dartaada

Exit mobile version