Xariir aanan hurino
Aan u xiisay baa tahay
Dareen igu xidhiidhoo
Xusuus dhalinayaaba tahay
Xaqdhawrkeedu tii uu
I xasiliyay baa tahay
Xubigiyo kalgacalkana
Xuduntiksibaa tahay
Xaraga lafteediyo
Nololiyo xayaa tahay
Naxariis xad dhaafiyo
Farxadiyo xal baa tahay
Xiskaygu miduu tabaay
Xubin iga midaa tahay

Xilkas garasho dheeriyo
Nasabey xulbaa tahay
Libdho dhegada xaydiyo
Xidig soo baxdaa tahay
Xaysiyo daruuriyo
Fadad xamara baa tahay
udub xooga guri?iyo
Dhidìb xajinayaa tahee
Xaragada lafeediyo
Nolol iyo xayaa tahay
Naxariis xad dhaafiyo
Farxad iyo xul baa tahay

Exit mobile version