Siraad baxayaay asmaay
Sinaan wacaneey ugbaad
Adaa dumar ugu sitee
Miyaan kaa samrayaa hooy
Miyaan ku saluugayaa
Miyaan kaa samrayaa hooy
Miyaan ku saluugayaa

Siraad baxayaay asmaay
Sinaan wacaneey ugbaad
Adaa dumar ugu sitee
Miyaan kaa samrayaa hooy
Miyaan ku saluugayaa
Miyaan kaa samrayaa hooy
Miyaan ku saluugayaa

Soo dhaayahaygiyo
Sambabada agtoodiyo
Ma sudhnid wadnaha oo
Ma sixrin naftaydee
Sawirkaaga oo qudha
Ku seexdaa habeenkiiye
Sawirkaaga oo qudha
Ku seexdaa habeenkiiye

Soo dhaayahaygiyo
Sambabada agtoodiyo
Ma sudhnid wadnaha oo
Ma sixrin naftaydee
Sawirkaaga oo qudha
Ku seexdaa habeenkiiye
Sawirkaaga oo qudha
Ku seexdaa habeenkiiye

Sinjigaagu waa dahab
Suuradaadu waa luul
Samaantiyo edebtiyo
Sifahaadu waa geed

Sinjigaagu waa dahab
Suuradaadu waa luul
Samaantiyo edebtiyo
Sifahaadu waa geed

Siraad sharfeey haldhaa
Naftaa saldhig kuu ahee
Adaa dumar ugu sitee
Miyaan kuu saydhayaa hooy
Miyaan ku sagseegayaa
Miyaan kuu saydhayaa hooy
Miyaan ku sagseegayaa

Soo dhaayahaygiyo
Sambabada agtoodiyo
Ma sudhnid wadnaha oo
Ma sixrin naftaydee
Sawirkaaga oo qudha
Ku seexdaa habeenkiiye
Sawirkaaga oo qudha
Ku seexdaa habeenkiiye

Sinjigaagu waa dahab
Suuradaadu waa luul
Samaantiyo edebtiyo
Sifahaadu waa geed

Sinjigaagu waa dahab
Suuradaadu waa luul
Samaantiyo edebtiyo
Sifahaadu waa geed

Exit mobile version