jacaylku mar waa dawoo
dabiib iyo caafimaad
dareen nabaduu wadaayo
dagani baa laga helaa
mar wa dacar iyo buuq
diiihaliyo waa darxumo
diifiyyo tiiraanyo badan
daluunkuu kugu ridaa
dabaylaha kugu daraa
deeqaay dawadaydiyeey
ha dilin ruuxaygoo
ha dayrin naftaa ku jecel
ha daadin samaha abid
duunyana yaan lagugu sirin
danteena ogoow walaal

jacaylku mar waa dalxiis
dareen cusub iyo ddal kale
damaashaad iyo ciyaaro
dakayn weeye la soco
mar waa dabinee ogoo w
digniin ba adoon qabin
hadaad dalaq soo tidhaa
daluun dheer kugu rida
dunida wuu kaa qarshaa
deeqaay dawadaydiyeey
ha dilin ruuxaygoo
ha dayrin naftaa ku jecel
ha daadin samaha abid
duunyana yaan lagugu sirin
danteena ogoow walaal

Exit mobile version