hibooy halistuu abaaro
jacaylkaagi I heeryee
hanaankaaga wacan ba
hiigsigan I galiyee
hankaygi ku raacyee
haruubkii kalgacalkaa
hagar la,aan kaalay
kugu habee iga hoo
hurdo kama dhagsiiyo
habeen qudha
adigaa hor taagane
hiilkaalay ii noqo
horadkaag igu qabo
hibo kuu hiloobee

habsami socodkaaga iyo
asluubtiyo haybadaada
markkaan ku halacsado
huqda caashaqaaga
halbawlaha wareentee
ku hilmaami waayee
hadh iyo layl halkaaga
u hoyataan haybshaa
hurdo kama dhagsiiyo
habeen qudha
adigaa hor taagane
hiilkaalay ii noqo
horadkaag igu qabo
hibo kuu hiloobee

Exit mobile version