adaan dadka kuu jeclahaye
adaan dumar kaa calmaday
qalbiga adigaa dagoo
niyadaad daris la tahay

adaa dookhiyo jacayl
damac kula jiraa
aday daymada indhuhu
macaan kugu doogsadaan

hadii daahayoo
kalgacaylkii ku diri waayay
duruufuunbaa jiree
gacalo ha ii daraan
bebe ha ii daraan
sweaty ha ii daraan
xbbti qali ha ii daraan
my love qali ha ii daraan

hablahan doorka kacayee
adaa iga deeqayoo
haweenba kaa doortayoo
dunida kaa fiirsadaa

hadaan isu doogsanoo
aroosiyo dadab galno
miyaan dookhaygiiyeey
duni wax ka sheegan lahaa

Exit mobile version