qalbigayga lagu qoray
magacaaga oo qudha
qisadayda kaligaa
adi laguugu qoofalay

waxay qali xiisaha
u qaadaa hadiyo jeer
u qeexdaa dhibkeedoo
qoraal ugu samaysaa

nafta qayb ka maqaneey
waa jacayl qasbaayoo
kaa quusan waydee
rajo igu qabyowdoo
qooraansanaayaa
haduu calafku qaadana
anaa qancinaayee
miyaan kala qarsoonahay

qorax soo baxaysiyo
markii ay qarsoontana
sidii ay qardhaas tahay
adaa qoorta ii sudhan

adaan kugu qarwaayoo
nafta waad qufulatee
riyay igu qabyowdaa
maxaan kaaga quustaa

Exit mobile version