gudahan ragiyo dumar
gaar ahaan haweenku
go'aan lama xumeeyo
nabad lagama guuree

garashadii xumaaantana
gacalnimo ma reebto
geedigii hayaamana
wadu sii gasiima

gaaridii haweenkay
guclo orodka daayo
geesigii rageedo
kaftan lama huraanka
la gardaami calaf caashaq

gayanadii is doorto
gaaxniida maala

gadadaa horaadka
gacmahiina xaada
ragiina ugu gargaaro
ogol markay ahaatana

sheekadu is gaadhan
ha u goynin wiilko
gaayawaha usii xulo
garbuu kugu yeeshe

gaaridii haweenkay
guclo orodka daayo
geesigii rageedo
kaftan lama huraanka
la gardaami calaf caashaq

Exit mobile version