hoodo saw aragaaga
muunadada jaaha
naftan kuu mixibootaa
maalintay ku yar weydo
murugsan ma haleesho

malab hooray sidiisa
hadalkaaga macaanka
marka ku dhageysto
qosol meesha aan joogo
farxad midhan ku dhayda

waxan ku mashquulay
marna aanan iloobin
miyirkaaga xishoodku
waa mid uun ka dhamaano
uu macmuud ku manaystay

hoodo soo miyirkayga
maskaxdayda iyo maanka
milgiyo kuma lihid sharaf
mid midkay san ku dheehan
milyan jeer ma cadhooto

mayay hooray sidiisu
ii miray jacaylkaaguyo
marka aan ku yar dheehdo
nafta aad u mabsuudo
muxubaan hirqadaaye

Exit mobile version