gaari raad qabawlo
raxmad iyo dareenloo
raas wacan ka dhalato
diin lagu rabeeyaay

raaliyo i deeqdoo
nafta raali galisiyo
rajadaan sugaaye
RABI ii rumeeyaay

oori lala rafiiqoo
rajo igu abuurtoo
ismahaan rayaaneey
aan ku raystaybaad tahay

marwo raasamaaliyo
reer lagu badhaadhaay
ragba taan ku dhaafee
risiq ila wadaagtaa

raysiyo xareedeey
reexaan udgooneey
rasmi ooridaydi
rayn rayn i galisaay

Exit mobile version