dhulka oo barwaaqa ah
baadkii intuu baxay
balidiyo jidhaamaha
dhulka biyo ku soo rogay

bilicdaa il qabashadu
kama baaqi noqotee

bildhaan qurux wanaageey
waan kuu busaylee

baryo aragtidaadii
naftu baadi doontee
burcadii biknaydeey
boholuoobay awgaa

baladkii samaayee
boorama hargaysiyo
xeebtii berbera ee
boodhari ku aasnaa

bari iyo sanaagiyo
sool baalaheedaay
badhtanka u ahaydee
lagu wada badhaadhaay

boqolaalkii taariikh
bandhig u ahaydee
bashir lagu barbaarshaay
oomaar ka baaqaay

bir ma gaydadaa kacay
nafta waxay u bixiyeen
badbbaadada dalkoodee
bilowgii xoriyada

Exit mobile version