Geesi iyo hanad baa
La gaboodsadaa rag
Ninkii wax garadaa la
Garwaaqsadaa x2

Waa nin gala abaalo
Gudi kara wanaago
Sama kugu gar gaare
X2

Gar eexiyo adoon
Godob umalayn
Hoowsaha ila gal
Ama gooni noqo oo
Aan kaa go’ee aan
Kaa go’ee x2

Galad iyo ayaan baa
Lagu guursadaa talo
Aad gorfeysaa geed
Lala tagaa x2

Runta laga garabaa
Lays kuma gayaxa oo
Gees lagama eegeee
X2

Gar eexiyo adoon
Godob u maleeyn
Howshaa ila gal ama
Gooni noqo oo aan
Kaa go'ee aan kaa
Go'ee x2

Exit mobile version