Garashiyo wanaag gudub
Tayeey gacal iyo xigaal
Goysayee x2

Geedkii jacaylka haa haa
Guntii baad ka jartee
X2

Guri wacan alahayow
Gedii roon alahayow
X2

Gaabsan maayee waxan
Gocanayaa inaan labo
Gayaanoo is afgarata
Noqonee x2

Galowgiyo shimbiraha
Garab satee sida aar
Laganay gurxantee
X2

Anoon kuu garaabayn
Haa haa gadhka ha i
Qabaninee x2

Guul wacan alahayow
Gadaan rabo alahayow
X2

Gaadhi mayside waxaa
Kula gudboon inaad ka
Gaabsataayoo nafta
Samir ugoysee x2

Gaabsan maayee waxan
Gocanayaa inaan labo
Gayaanoo is afgarata
Noqonee x2

Gaadhi mayside waxaa
Kula gudboon inaad ka
Gaabsataayoo nafta
Samir ugoysee x2

Exit mobile version