dhankaad iga jirtaabaa
waranku iiga soo dhacay
dhaqdhaqaaqa wadnihiyo
dhiigaa i qulqulayee
iisoo dhawoow aan kugu dhagee
iisoo dhowooow

waxa dheeftii iga jaray
dhuunigiina iga xidhay
dhibaatada jacaylka
iga dhigay halbawlaha
iidhiib gacmaha
aan kugu dhagee hooy

Exit mobile version