mililicada quruxdiyo
inantaan majeertaay
muuqaagu wacanaa
marfac xoolaheenoo
miranaayaa hawdkoo
muxibooy adoo kale
markaad daweysaa
mar hadii aduunyada
miisaan la saarana
hoy mudh adaa kasoo idhi
muhashada dareenkii
caashaqu mutaystaay
mowjadii kalgacalkana
maan soo muquurtee
ikraan mayla haysaa
mililicada sharaftiyoo
miyirkii lahaayoo
muuqaagu wacanaa
ileen midho macaanow
miyirkaaga doojow
jaceylkii mug waynbaa
micno kuu sameeyee
anba waa miqlaysoo
waan kuugu agmeeraa
macaan ii ogsoonow
muhashadii dareenkii
caashaqu mutaysto
mowjadii kalgacalkana
aan usoo muquurtee
macaan may la haysaa
cabdi may la haysaa

Exit mobile version