VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Muhashada dareenka - Lyrics

Mar hadii aduunyada Miisaan lasaarana mur adaa ka soo yiray Muhashada dareenkee Caashaqa muteesnaa Moojadada kalgacalka Annigu soo ma quuteen Ikraan ma ila heesaa Dagan ma ila heesaa Ikraan: Mililicda sharaftiyo Miirkii ilahayoo Muuqaagu wacanaa Hadal miro macaanoo Miirkaaga doorshiyo jaceylkii mugwayn baa Micno kuu sameeyeee Anba waa muqleestoo Waan kugu agmeeraa Macaan ii ogsoonow Muhashada dareenkee Caashaqa muteestoo Moojadada kalgacalka Annigu soo ma quuteen Macaan ila heesaa Abdi ma ila heesaa Abdifitaax yare: Mililiacda joogiyo Mudaneey la'aantee Maba aan adkeestee Magool maran dumaroo Mascidiidka midabkiyo Macaaneey adoo kale Maankaa daweesaa Maskaxda irdhoowde Kugu muusanaabee Mahadhadani waa maxay Muhashada dareenkee Caashaqa muteesnaa Moojadada kalgacalka Annigu soo ma quuteen Ikraan ma ila heesaa Dagan ma ila heesaa Ikraan: Mililacada raganimo Mudanahaan jeclaado muunadaada wacanaa Mahiigaanka roobkiyo Maansada iyo dareenkee hadalkii murti leh baa Micno kuu sameeyee Mar hadii jacaylkani Milkahiisa saafi yahay Anni kaama maarmee Muhashada dareenkee Caashaqa muteestoo Moojadada kalgacalka Annigu soo ma quuteen Macaan ila heesaa Abdi ma ila heesaa
Queue is empty
-- / --