Sida meel tigad loo
tusku uu ku hooroo

Niyadu ku tarantoo
Todabaad xareediyo
togoganu rogmanayaan
kuu soo tusmeeyee

Tii kali ahaydee
Togashadaa indhaha
Nuurka u taraysee
Qalbigaa ku tabayee

Tumahii awaariyo
milmil toocaheediyo
Dhagaxbuur toosahiisa

Tartarada bulaalo
togoaguhu toos u soo baxay
Ubax kaaga taagee

Quurux loogu tabayiyee
Ana waxaan ku taamaa
Talo inaan wadaagnaa
Ila tiiri caashaqa

Yaynaan noqon tabtoodii
Kuwii tuuray jacaylkii
taarkiisii gooyee
shan shan ka tuuree

Kaynu waa mid toosoo
Tashish aan maqlaaynoo
kalatiiri ahayne

Taaganoo dhaqaaqinoo
Inaga tagayninee
Tiir ma uqataminaa

Talo ma u samynaa
Ubax ma utalaalnaa
Taariikh ma u xariiqnaa

Tintaa ma ushaleenaa
Tusmo ma usameenaa

Waxba yaanan ku tumanoo
Heesta ila fogaaninee
Inaan tasayn baan
ku soo turiyay heeestee

Exit mobile version