boga tii kuu tiilbuu
beerkaygu tabayaa
afku baaq u dirayaa
u bukaa habeenkii
hurdo badi goobaa
bal inaan bogsoodoo
baryo caafimaad helo
naftu baahidaadiyo
bidhaantaada aragee
way u baahan tahee
balantaan lahaynbaa
ka baxdoo ka baydhee
oo waad ka boodoo
balan qaadki sheekadu
ma been bay ahayd oo
beri bay ku ekaydee

beryo wada jirkeeniyo
bartii aan ku kulaniyo
barashadii jacaylkiyo
nasiibkeni berigii
sawdiganba baal maray
bini aadam kalatooo
bir ku tahay midh daacadi
bulsho kuugu daranoo
booran kuuu qodaayoo
bohol kaa ridaayoo
balantaan lahaynbaa
ka baxdoo ka baydhee
oo waad ka boodoo
balan qaadki sheekadu
ma been bay ahayd oo
beri bay ku ekaydee

Exit mobile version