Dhexyar dhoola wacanoo
Dhaqankeena sidatoo
Dhan kastood ka eegtaba
Ilaahay dhameeyiyoo
Hibo loo dhaxaa tahay

Dhismihii jacaylkiyo
Dheeftii naftaydoo
Dhinacaan ka eegaba
Dhaliil aan la haynoo
Dhamaystiran
Dhamaystiran ayaa tahay

Kuma dhaafi karayoo
Dhuuxiyo halbawlaha
Adigaa dhayaayee
Dhinacaaga ila qabo

Dheemanta iyo luuliyo
Dhaayahaygii baad tahay
Isha aan dhibaynoo
Dharaar iyo habeenimo
Lagu dhaygagaa tahay

Dhaqanki awoowiyo
Libintii aqoontaa
Tii aan wadaagnee
Dhibka ila necbaydee
Adigaa adigaa i dhamaystira

Kuma dhaafi karayoo
Dhuuxiyo halbawlaha
Adigaa dhayaayee
Dhinacaaga ila qabo

Macaaneey ila qabo
Huuno ila qabo
Bilaneey ila qabo

Exit mobile version