Haybad eebaa keeniyo
Hadyadaha rabaanigaa
Tii loo hibeeyee
Sharaf lagu hagoogaay

Waxa tahay hubaashee
Horyaalka dumarkoo
Waxaan kuugu heesaa
Kuugu heelanahay badi
Hiligaa ku raacee
Kuugu heelanahay badi
Hiligaa ku raacee

Gaar ma u heshiinaa
Aan habeyno noloshoo
Hagoojine nuurkee
Mahad mahad
Mahada kalgacalkee

Caqli hodonaan adi kuu
Adi kuubahayoo
Waa hoodo deeqoo
Gaayin kuu hiishee

Runta lama hakirayee
Haween boqoradoodaay
Waan kugu hanweynoo
Ruuxda kugu hadaaqdoo
Hib kuugu hadraysee
Ruuxda kugu hadaaqdoo
Hibo kuugu hadraysee

Gaar ma u heshiinaa
Aan habeyno noloshoo
Hagoojine nuurkee
Mahad mahad
Mahada kalgacalkee

Exit mobile version