Suuradaada wacaniyo
Dhexda soohanee qoran
Socodkaad dhaqaaqdaa
Qalbigayga saaqmee x2

Sanqaroorkan kuguyaal
Siduu eebe kuu dhigay
Sumad inaan wadaagnaa
San saantooda leedahee
X2

Sooomaaali inaad tahay
Saxar igama saarneee
Soodhawow suleekhaay
Adigaan ku sugaayee
X2

Soodhawaynta wacaniyo
Sidaad ii sifaysaan anba
Siisan waayoo qalbigayga
Saaqmee x2

Sumadii islaamkiyo siday
Diintu tidhibaad sifahodii
Leedahoo marna kuma
Saluugine x2

Sooomaaali inaad tahay
Saxar igama saarneee
Soodhawow cabdiyow
Anba waan ku sugaayee
X2

Sirtii aan qarsanayiyo sidii
Beerku uu rabay saatirkay
Isiiyoo siidayni maayee
X2

Buurta sow dusheedaa
Saxan saxo maraysiyoo
Seerihii dhulkeenaad
Sidoodii udgoon tahoo
X2

Sooomaaali inaad tahay
Saxar igama saarneee
Soodhawow suleekhaay
Adigaan ku sugaayee
X2

Sooryadaada wacaniyo
Sidaad iimantaa sirtadii
Isiisoo samir baan wad–
Aagnaa x2

Sidii meel abaar subax
Roob uu sirbaha dhigay
Ubax soobaxaayaad sifo
Aragii leedaheee x2

Sooomaaali inaad tahay
Saxar igama saarneee
Soodhawow cabdiyow
Anba waan ku sugaayee
X2

Exit mobile version