guul ALLE guul ALLE gacal ku bixiyoo
guul ALLE guul ALLE gobi ku hanatee

cishqigan gayigaygii aan uga go'doomay
cishqigan guuraha habeen beero fog u gudayay
cishqigan gaawihiyo culay gorof irmaanleey
oo GUULAHA ILAAH igu gardaaday
inuu caawaba gam yahay saw ma garanoo

waa guul ALLE guul ALLEE gobi i hanatee
waa guul ALLE guul ALLEE gacal i bixiye

cishqiga lama gaasiroo lama garoocdee
waatii kalgacaylkii guul aan ka gaadhnee
waatii golihii la yimid laba geesood
gabaatiga waa kii gacalku qaadee
inagoon kala gaabinayn guushii gaadhnee

Exit mobile version