Inani waa hooyadeey
Hadii ay haybad iyo
Qurux habsamanta
hooyaded hido raacdo
Midaan la habaarin
Midan la haynin
Loo hagar baxoo
Nafta loo huroo
Habeen dhalada tahee
Filkeed u han wayn
U heelan baa tahee

Halhays baad ii tahoo
Hanaqaad igaga taal
Rabow hayna kala halayn
Hayna kala hor marin

Inani waa hooyadeed
Haddi ay hoodiyo sharaf
Hal adayga hooyadeed
La halmaashoo hooyadeed
Hubqaadkiyo jooga
Haween dheertaho
Marwo lagu hirtoo
Halayn dhaqankaa tehee
Hasaawe macaaneey

Halhays baad ii tahoo
Hanaqaad igaga taal
Rabow hayna kala halayn
Hayna kala hor marin

Exit mobile version