VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Samir - Lyrics

sidaad tahay cadceed subax ama sagal arooryaad waad suurad wacantee maan arag suluukhada sheekadu siday tahay quruxbaa sidatee sanadahanba may dhalan hadaan uurka lagu sidin inan kaa saraysee safiyaad waxaad tahay salaada iyo faralkii midaan uga sahwiyayee haduu samir wax tari lahaa ama uu sad noqon lahaa mudaan kuu samraayee adoon saaca igu xidhin saranseerna igu ridin ama saydhin wacadkii ama sidaynu qaadnee waad isahayatoo kaa seexanwaayoo dhawrsano iyo googo e cirka sare u eegoo soo jeed ku waashoo ku safaaday noloshee sanbabada iqalanoo wadnahaa isaranoo dhiiga saydhinaayee naf lasaaqaybaa siday tahay dhalaan sabaalaynayaa haduu samir wax tari lahaa ama sad uu noqon lahaa mudaan kuu samraayee
Queue is empty
-- / --